Sirta Kombiyuutarka: waqti yar wax badan ku qabo

Sirta Kombiyuutarka: waqti yar wax badan ku qabo

Horudhac

Ma kula tahay in howlo qabashadooda umadaha qaar ay ku qaadatay tobanaan sano ay Soomaalidu uga soo bixi karto muddo aad u yar oo kooban? Hagaag, waxaa jirta farsamo loo adeegsaday in lagu yareeyo waqtiga ay ku qaadato kombiyuutarku inuu howl(operation) qabto, waana farsamada ay kombiyuutarrada casriga ah maanta ku shaqeeyaan. Sidaa daraadeed, waxaan go’aansaday in maqaalkaan anaan kugu fahamsiiyo arrintaan cajiibka ah oo horumarisay xawaaraha iyo waxqabadka(performance) kombiyuutarrada.

Taariikh gaaban

Awoodda kombiyuutarrada(computing power) waxay korortay in ka badan hal triliyan(1,000,000,000,000) oo jeer 60-kii sano ee la soo dhaafay! Halbeegga lagu cabbiro waa inta shaqo la qaban karo ilbiriqsi gudihiisa(FLOPS). Tan iney suurto gasho waxaa qayb wayn ka ciyaaray tirada taraansistariska(transistors) oo laba jibaar kordhaysay labadii sano ba mar(Moor's Law), laakiin waxa jira wax intaas oo dhan ka muhiimsan oo door wayn ka ciyaaray inuu horumarkaan suura galo. Sawirka soo socda waa Integrated Circuit(dabcan waxaad ku arki kartaa qalab walba oo elektoroonik ah) wuxuuna ka samaysanyahay malaayiin taraansistaris ah. Ogow: haddaadan aqoon taraansiistaris wax laga wado, ha walwalin ee maqaalka sii aqri.

Waa maxay sirta wayn?

Laf dhabarta kombiyuutar kasta waa bahashan yar👇

oo magaceedu yahay 'processor(CPU)'. Bal aan u bixiyo magac Soomaali ah oo an ku waco 'adeegto' sababta oo ah bahashaan maba nasato inta uu kombiyuutarku shidanyahay! Arrinta aan rabo inaan isla fahanno waa tan: Waxaan filayaa inaad aragtay in mobilkaaga ama kombiyutarkaaga aad ku isticmaali kartid dhowr barnaamij (applications) hal mar. Tusaale, hal mar ayaad isla isticmaali kartaa Whatsapp, Youtube, iyo bartaan aad hadda ka aqrinaysid maqaalkaan. Saddexdaan barnaamij adeegtada waxay u taqaanaa mid walba 'process'. Bal qiyaas sidaad dareemi lahayd haddii kombiyuutarkaagu uusan kuu ogolayn inaad cashar ka daalacatid Wikipedia adoo isla markaana Youtube ka daawanaya muuqaal casharkaas si fiican kuugu kala dhigdhigaya? Waa xanuun, sax? Ama mobilkaagu uusan kuu ogolayn inaad 'app' kale furtid markaa 'application' wayn kala soo dagaysid(download) Google Play Store? Mobilka ma jabisaa baa ku qabanaysa!

Marka maxaa u suurto galinaya in adeegtadu ay hal mar kuu wada furto saddexdaan ablikeeshan? Jawaabtu waa labo farsamo mid un: is barbar yaac mid walbo gooni ah(parallelism) ama is barbar yaac qori isku dhiib ah(concurrency). Waxa is barbar socda waa barnaamiyada loo adeegayo. AfSoomaaligaan waa 'organic' ee ha la yaabin 😂.

Parrellelism ka wuxuu dhalanayaa marka adeegtada ay leedahay adeegayaal kale oo yaryar oo loo yaqaan 'core', halkaasoo adeege walba uu howsha si gooni ah u wado(tan badanaa waa qaali). Sidaad hoos uga jeedid, Adeegto Core 1 waxay kuu furtay barnaamij Task 1, Adeegto Core 2 na waxay kuu furtay barnaamij Task 2. Waxa cajiibka ah waxaa waaye: isku mar ayay bilowdeen, shaqaduna isku mar aya dhacaysaa ee la issi sugi maayo. Bal ka fakar: kawaran hadday Task 2 bilaaban lahayd markay dhamaato Task 1 oo kali ah? Waqti intee le eg ayaa ku bixi lahaa labada barnaamij in loo adeego?

Dhinaca kale, sida sawirkaba ka muuqata, Concurrency ga wuxuu u baahanyahay hal adeegto. Labo barnaamij isku mar ma bilaaban karaan. Sababtoo ah adeegtadu halkii mar ba hal barnaamij ayay u adeegi kartaa, xoogaa kaddibna barnaamijka kale ayay u adeegaysaa--waana kala wareeg la isla ogyahay(context switching). Waqtiga kala wareegga aad buu yaryahay, sidaa daraadeed ma dareemaysid in adeegtadaadii la 'aftuubtay'!😉

Laakiin ha walwalin, waa laguu soo celinayaa adeegtada wax yar kadib maaddaama lagu heshiiyay in howsha loo wado qaab qori isku dhiib ah; masuuliyaddaas waxaa qaaday 'Operating System' ka kombiyuutarka(Windows, MacOS, Linux iwm) kaasoo ah isku duwaha (coordinator) howlahaan o dhan. Kor sida ka muuqata, barnaamij Task 1 ayaa loo shaqeeyay markii hore, kaddib waa la joojiyay Task 1, waxaana loo shaqeeyay barnaamij Task 2...sidaas ayay ku soconaysaa ilaa labada barnaamijba waxay rabaan loo sameeyo. Kolley Concurrency uma dhaqso badna sida Parallelism ka laakiin waxaqabadkiisu aad buu uga fiicanyahay marka loo eego xaalad la isla sugayo labada barnaamij. Kawaran haddii la dhihi lahaa "Maadaamaa aan hal adeegto haysanno, Task 1 waa iney marka hore dhamaataa, kaddibna Task 2 markaas ay bilaabataa"? Dabcan waqtiga kuma sugayo.

Adeegtada kombiyuutarradii hore waxay ahayd mid aan labo barnaamij ama ka badan ba hal mar u adeegi karin. Marka hore barnaamij Task 1 ayaa loo shaqeynaayaa. Markii howsha Task 1 ay dhamaato ayuumbaa loo adeegi karaa barnaamij Task 2. No concurrency, no parallelism. Caajis waaye wlhi!

Bal inta eeg: Barnaamij A oo aan dhamaan, B iyo C toona ma bilaaban karto xitaa haddii ay noqoto iney A qaadato 24 saac! Habkaan waa isku xig(Sequential). Laakiin xanuun waaye sow maahan in adeegtada ay hal barnaamij u 'afduubnaato' muddo intaas le eg iyada oo karta iney u adeegto barnaamijyo kale?

Casharkaan ku dabbaq howsha Soomaalida u taalla

In dhowr howlood oo waawayn hal mar ay is barbar socdaan waa wax waddanka soo kabashadiisa u fiican si uu durbaba u soo gaaro dunida naga tagtay intii aannu kala daadsanayn. Haddii kale sidii kombiyuutarradii waayadii hore aa caajis la idinku nacaa nooh, loool! Waan ogahay in howlaha qaar ay isku xirnaan karaan oo haddii mid aadan samayn, kan xiga uusan bilaaban karin.

Bal aan dul istaagno arrimaha haataan Soomaaliya loogu baahida badanyahay iyo qiyaasta inta sano (waa iska mala awaal) ee looga baahi bixi karo:

Guug ahaan waa muddo 82 sano ah. Waa iska caddahay haddii maalinba mid laga shaqeeyo(sequential), iney nagu qaadanayso ilaa sannadka 2106 oo ku beegan horraanta qarniga 22aad ee inagu soo aaddan! Xilli inteenna badan maanta joogta aysan joogi doonin. Laakiin kawaran haddii aan isticmaalno farsamada aan horey u soo aragnay ee u sahashay kombiyuutarku inuu noqdo maashiin mucjiso ah oo waqti gaaban howlo badan ku dhameeyo? Suaashaas ayaan kaaga tagayaa, go'aankagana adigaa iska leh. Nabad iyo warsan!