Waa maxay Programming?
'Programming' waxaa uu ku saabsanyahay u tilmaamidda kombiyuutarka waxa laga doonayo inuu sameeyo. Asal ahaan, kombiyuutarku waa sida 'addoon' oo kale; kaliya wuxuu sameeyaa waxa aad adigu u dirto. Sidee wax ugu diraysaa kombiyuutar? Jawaabta waa 'Programming'. AF-Soomaali waxaan dhihi karnaa waa 'jihayn' oo micnaheedu tahay 'Programming' ku wuxuu jiheeyaa kombiyuutarka(haddad ereybixin ka fiican taas hayso, qaybta faallada(comment) ee hoose iigu reeb).
Tusaale:
haddii shaah caleen lahayn{
ku dar caleen;
}
haddii kale{
dadka u gee;
}
Marka waxaan dhihi karnaa Kombiyuutarku waa qalfoof meel yaalla hadduusan 'Programming' jiri lahayn.
'Programming' waxaa uu dhalaa 'software' waxa loo yaqaan. Mobilkaaga gacanta ayaad ku isticmaasha maalin walba.
Si aad 'Programming' u samaysid, waa inaad taqaanid ugu yaraan hal luuqad 'Programming' ama 'Programming Language'. 'Luuqadaha 'Programming' ka ee ugu magaca dheer maanta waxa kamid ah C, Python, JavaScript, Java iyo Kotlin.
Xagee wax laga bilaabaa?
Sideedaba, 'Programming' ma ahan xirfad adag laakiin sidoo kale ma ahan xirfad fudud barashadeedu. Marka waxaan kula wadaagayaa waddo qurux badan oo aad 'Programming' si fiican ugu baran kartid. Talooyinkaan soo socda iga qaado:
Marka koobaad ku bilow C Programming Language. Luuqaddan waxay kamid tahay luuqadaha ugu horeeyay ee kombiyutarka lagu jiheeyo. Waa luuqad ay kasoo askuumeen inta badan luuqadaha kale sida Python, Java, JavaScript iwm. Sidaa daraadeed, markaad luuqadda C barato, waxaa aad kuugu fududaanaya barashada luuqadaha kale ee 'jiheynta'. Kaddib waxad ku xijin kartaa luqadda Python oo ay C aad iskugu dhowyihiin laakiin ah luuqaad casri ah oo inta badan loo adeegsado Caqliga Macmalka(AI).
Intaad bilowdo ha dhaafine, maalin kasta isku imtixaan inaad wax cusub baratid ama samaysid. Samee 'Projects' oo ku celceli(practice)
Luuqadda JavaScript ha iloobin iyadana, maaddaama loo adeegsado samaynta baraha internet ka(websites).
Waxaa jira wax loo yaqaan 'frameworks' oo aanan ahayn luuqad 'Programming' laakiin door wayn ka cayaarta 'Programming' ka. Haddii aan AfSoomaali ku macneeyo 'framework' waxaan dhihi karaa waa 'kab' oo aan ula jeedo iney tahay wax xoojinaya isticmaalka luuqadaha 'Programming' ka. Tusaale ahaan, luqadda JavaScript waxay leedahay 'framework' la yiraahdo 'Next.js'.
Happy coding!